Tiradii ugu badney oo lag helay jabuuti COVID19 maalin kaliya 54 qof

0
89

Djibouti ayaa heshay kiisaskii ugu badnaa intii ay baadheysay COVID19 24kii saac ee ugu danbeyey yadoo ku dhawaaqdey in laga helaysa kiisas cusub CoronaVirus maanta.

54 qof ayaa laga helay maanta oo kaliya maaddaama ay diiwaangelineyso 54 qof oo laga helay cudurka ‘COVID19’ 24kii saacadood ee la soo dhaafay, waana tirada ugu badan ee kiisaska kadib markii uu hoos u dhacey labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Natiijooyinka maanta ayaa wadarta guud ee la xaqiijiyey ee Jabuuti ah ay gaadhay 1189 iyada oo ilaa hadda ay dhinteen saddex qof.

24kii saac ugu danbeeyey waxaa tijaabo caafimaad lagu sameeyey 199 qof waxaana laga helay COVID19 54 qof, halka 10 qof oo ka mida ay la xidhiidheen dad hore u qabey xanuunka.

Tirada guud ee lagu sameeyey Tijaabada waa 15056 qof

Tirada guud ee laga helay jabuuti oo dhan waa 1189 qof

waxaa ka bogsadey 834 qof

waxaan u dhimatey 3 qofk