Home WARARKA MAANTA Thabit Ab gudoomiyaha xisbiga awooda shacabka ee dalka Soomaaliya oo ka hadley...

Thabit Ab gudoomiyaha xisbiga awooda shacabka ee dalka Soomaaliya oo ka hadley cafiskii farmaajo

0
183

Thabit Ab gudoomiyaha xisbiga awooda shacabka ee dalka Soomaaliya ayaa sidan yidhi

“Marka hore waxaan boggaadinayaa in Dowladda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday in garowshiyo iyo raaligelin ay ka bixineyso xasuuqii loo geystay walaallaha Somaliland, iyadoo la adeegsanayo magacii Dowladda Soomaaliya.

Si hadalku ugu muuqdo mid runsheeg iyo niyad ka dhihid ah, waxaa Madaxweynaha laga sugayay inuu magaca Somaliland ugu yeero, taas oo abuuri laheyd uur-fiyoobi, sidoo kale ma aheyn in Madaxweynuhu xujo daba dhigo hadalkiisa.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iney si dhab ah, oo daacadnimo iyo laxaw ku jiro ugu istaagto sidii looga dhayi lahaa walaallaha Somaliland dhibkii gaaray, loona furi lahaa wadahadallo miro-dhal ah oo laga dhaxlo natiijo wanaagsan oo taariikhi ah”

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com