Taliyihii Milliteriga Ethiopia Oo La Toogtay Iyo Afgembi Dhici Lahaa Oo La Fashiliyey

0
244

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed waxa uu goor hore oo saakayto ah sheegay in la fashiliyey Afgembi lala maaganaa Maamul-gobaleedka Amxaaradda ee Waqooyiga magaalladda Addis Abeba.

Khudbad uu ka jeediyey TV-ga Qaranka waxa uu sheegay inay xaalladda haatan gacanta lagu hayo, isla markaana la sugay Ammaanka gobalkaasi.

Waxa uu qiray inay Koox Calooshood-u-shaqeystayaal ah oo ku lugta lahaa Afgeembiga Fashilmay ay toogasho ku dhaawaceen Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi oo lagu magacaabo Seare Mekonnen, balse, ma uusan faahfaahinin xaalladda uu ku sugan yahay.

Ra’isul-wasaraaha waxa kale oo uu tilmaamay in dhowr Sarkaal lagu dilay ama lagu dhawaacay, muddadii ay dagaalladu ka socdeen Caasimadda Gobalka Amxaaradda ee Baxar Daar.

Warbaahinta dowladda Ethiopia waxay sheegtay in Kooxda hubeysan ee doonaysay inay Afgembiyaan Maamulka Amxaaradda ay sheegteen inay yihiin Ciiddanka Isbedel-doonka.

Taliyihii Sirdoonka Milliteriga ee dalkaasi, Jeneral Xasan Ibraahim waxaa la sheegay in la geliyey Xabsi Guri, kadib, xiisadihii ka dhacay magaalladda Addis Abeba iyo Gobalka Amxaaradda.

Wakaalladda Wararka Turkiga ayaa soo sheegtay in dalka Ethiopia laga wada jaray dhamaan  khadadka  Internet-ka ee laynka iyo kan Mobaylka loo adeegsado.