Taliyihii ciidanka liyuu ee deegaanka Benshangul gumez, ee dalka itoobiya oo ladilay!

0
116

Wararka ka imanaya gobolka asosa ee deegaanka Benshangulka ayaa tibaaxaya in Maleeshiyaadka Gumez, ee ka dagaalamaya deegaankaasi ay dileen Taliyihii ciidanka liyuu Gaashaanle sare Fared Boche, madixii maamulka ee xafiiska nabadgaliyada Girmosa Ysadal iyo gudoomiyihii degmada Sirba abaye, Kasahun Malaku.

Saraakiishan ayaa la sheegay in lagu dilay jidgooyo ay Maleeshiyaadka Gumez, ugu galeen meel lagu magacaabo Oda-bildgildu, oo ka tirsan gobolka asosa.

Ma jiro war rasmi ah oo arintan ay kasoo saartay xukuumada deegaankaasi,oo dagaal qadhaadh kula jirta Maleeshiyaadka Gumezka oo la sheego inay Sudan gacan saar la leeyihin.