Taliye Odowaa oo ka hadlay Ciidan ka cabanayay Mushaar la’aan

0
87

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Maanta ka hadlay Ciidan Magaalada Muqdisho gadood ugu sameeyay mushahar la’aan, kuwaas oo ka howl-galayay Gobolka  Shabeellada dhexe,Taliye Odowaa, ayaa sheegay in Ciidanka qalabka sida ay qaateen mushaharkoodii balse ay jiraan Ciidamado kooban oo aan tirokoob marin iyo kuwo ay cilado farsamo kayimaadeen diiwaan-gelintoodii oo aysan Lacagtii gaarin.Dowladda Federaalka Soomaaliya ee haatan jirta ayaa ah Dowladdii ugu horreysay oo muddo Labaatan Sano ah si toos ah u bixisa xuquuqda Shaqaalaha Rayidka iyo Ciidamada kala duwan ee Dalka.