Home WARARKA MAANTA Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Generaal oo kormeeray Saldhiga Balidoogle

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Generaal oo kormeeray Saldhiga Balidoogle

0
154

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Generaal Odowaa,Yuusuf Raage ayaa gaaray Saldhigga Balidoogle ee guutada 16-aad Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha wuxuu Kulamo la qaatay,saraakiisha iyo Ciidamada, oo uu ku boggaadiyey guusha joogtada ah ee ay ka soo Hooyaan dagaalka lagula jiro Aragagixisada.

S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa wuxuu bogaadiyay askarta iyo Saraakiisha Kumaandooska Xoogga Dalka Hawlgalada dabar Gooynta oo ay kuhaayaan Cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab wuxuuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda .

Sidoo kale, Taliyaha ayaa halkaas kulamo kula qaatay Howlgalada Mareeykanka iyo Amisom kuwaasi oo looga hadlay sidii loo dardargalinlahaa dagaalka dalka looga xoreeynayo maleeshiyaadka argagixisda Al-shabaab.

Jeneraal Odawaa ayaa wuxuu kormeer ku sameeyay dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay xerada Balidoogle oo ah taliska guutada 16-aad ee kumaandooska Xoogga Dalka oo inta badan sameeyo howlgalo dhabar jab xooggan ku noqday kooxaha nabadiidka ah.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com