Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika oo ka hadley Weerarkii Lagu Qaadey saldhiggooda Ballidogle

0
243

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerarkii ay Al-Shabab ku qaaday saldhigga Ballidogle aan wax khasaare ah dhimasho iyo dhaawac kasoo gaarin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida.

Talisku waxa uu sheegay inay gaysteen laba duqaymood, isla markaana ay ku dileen toban ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen mid ka mid ah baabuurta Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa iyaguna sheegtay inay weerarkaasi ku qaadeen saldhigga iyaga oo adeegsanaya baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo weliba maleeshiyaad hubaysan.