Home MAQAALO Taariikh Dhaqameedka Soomaalida iyo Kal-tirsiga sanadka

Taariikh Dhaqameedka Soomaalida iyo Kal-tirsiga sanadka

0
273

Dhaqanka iyo xadaarada Soomaalida ee soo jireenka ahi waxay ahayd mid dhamaystiran oo dhinac walba ka arad tiran, waxaanay marka laga hadlayo kal-tirsiga taariikhda ay lahayd bilo iyo maalmo gaar ah oo aan ahayn kuwa ay jiilkan Ilbaxnimada sheegtaa ay tirsadaan.
Bilaha soomaalida ilaa iminka meelaha qaar laga isticmaalo, gaar ahaan baadiyaha oo uu dhaqanku isagoo sii diciifaya ku hadhay, waxa ay ku salaysnaayeen nololsha iyo cimilooyinka kala duwan ee sanad walba ku jira.
Sidoo kale, sanadku wuxuu ugu kala qaybsanaa afar qaybood magacyo gaar ah kala leh, sida Guga, Dayrta , jiillaalka iyo Xagaaga. afartaas wakhti oo lamida sida uu Juquraafiga laftiisu u qaybiyo 12 bilood ee sanadka.
Afarta qaybood, ayaa haddan mid waliba uu u sii qaybsamaa saddex oo Gu’gu wuxuu u qaybsamaa saddex bilood oo kala ah seermawaydo, Dirirka Cawleed iyo Dirir Shakaal ah, waxaa saddexaad soo raaca Dirir-daydo oo gala haddaynu taariikhda caamka ah u eegno tobanka dambe ee bisha March, waxaana xusid mudan in ay xilliyadani ku jaan-go’an yihiin magacyada Roobka da’a 12-ka bilood.
Xagaaga oo isna ku xiga gu’gu waxa uu ka kooban yahay, Samo leh, Karan iyo Waranweer.
Dayr-tuna waxay ka kooban tahay, Dayr halalood, Dayr gudban iyo Dambarsame.
Sidoo kale, kan ugu dambeeya oo ah Jiilaalka ayaa isna ka kooban Xays, todob iyo Diraac oo ah bisha u dambeysa ee Jilaalka.
Wakhtiyadan waxa da’a roobab kala duwan oo magacyo iyo miisaan kala duwan leh. waa xalliyo barwaaqo iyo bilo geeduhu qalallaan, isla markaana siday u badan yihiin deegaamada Soomaalidu xoolluhu ay arroor iyo oomato qalallan ku nool yihiin.
Xeel-dheerayaasha dhaqanka ee dhaxal-maala dhaqanka Soomaalidu waxa ay qabaan aragti ka dayrinaysa sida ay bulshada casriga ah uga luntay wixii ay awoowyaashood ka dhaxleen ee dhanka dhaqanka iyo ku sallaynta nololsha.
Sida aan kor ku xusnay, wakhtiyada xidhiidhka ee uu sanadku u qaysan yahay waxa da’a roobab kala jaad-jaad ah, kuwaasoo aynu ka soo qaadan karno kuwa ugu caansan uguna waaweyn ee dad iyo duunyaba lagu tanaado.
Roobabkaasi waxa ay kala leeyihiin magacyo guud oo ah kuwa bilaha saddexlayda loogu magac daray iyo magacyo gaar gaar ah oo ay kamida yihiin, Mayayga oo da’a gelinka hore ee maalintii xilliga barqada, waxaana ka horeeya mid kale oo la yidhaahdo Bariiso oo isna da’a mayayga ka hor.
Mahiigaan-ku waa roob kale oo aan isagu lahayn gelin ama goor, balse waa roobka da’a shan saacadood iyo in ka badan oo ah ilaa lix saacadood, laakiinse iminka waxaad arkaysaa dadka reer magaalka ahi iyagoo roob saacad da’ayey ku sheegaya mahiigaan.
Gudgudaha, ayaa isna ah roob kale oo caan ah, kaasoo inta badan da’a bisha u dambaysa ee Gu’ga, waxaanu da’aa xilliga fiid cowlka ilaa saqda dhexe ee habeenkii, haddaanu waaberigaba gaadhin siduu u da’ayo.
Waxa kale oo loo yaqaanaa Miiraale, Mire iyo gudgude oo loogu yeedhis badan yahay.
Waxa kale oo iyaguna jira roobbab loogu yeedho magacyo kala duwan oo loogu bixiyey dabeecadahooda, sida roobka dhibcaha yar yar ee dhulka qooya ee aan markaasi samaynin daadka iyo biyaha badan, waxaana loo yaqaanaa Tiix, shuux, Caad-goror iyo Dumaal.
Geesta kale, roobkan biyo yara ah mid aan ka fogayn oo waxa jira la yidhaahdo Sarka dhaban, Cadcadeys iyo Gabaxle. Roobka xoogaga badan ee daadka badan sameeya isagana waxa la yidhaahdaa Biyo-maris.
Ugu dambeyn, magacyada roobku way ka badan yihiin inta aynu kor ku xusnay, balse waxa ugu muhiimsan kuwan aynu soo sheegnay, waxaana loo baahan yahay in ay bartaan oo ay mar walba maanka ku hayaan Bulshadu,sababtoo ah waa dhaxal iyo aqoon lagama maarmaan ah. Taariikh Dhaqameedka Soomaalida iyo Kal-tirsiga sanadka

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com