Suudaan ayaa mamnuucday soo galida rakaabka ka yimaada Britain, Netherlands, South Africa

0
135

Dowladda Suudaan ayaa Isniintii go’aansatay in la mamnuuco soo gelitaanka rakaabka ka yimaada Britain, Netherlands iyo Koonfur Afrika.

“Dhammaan maraakiibta diyaaradaha ee ka shaqeeya Suudaan waxaa lagu wargeliyay inay fuliyaan go’aanka laga bilaabo Arbacada, Dec. 24 illaa Janaayo 5, 2021,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ee Suudaan.

Go’aanka ayaa mamnuucaya soo gelitaanka dhammaan dadka ka imanaya saddexda dal, iyadoon loo eegin jinsiyadahooda, ha ahaadeen duulimaad toos ah ama aan toos ahayn, ayay xustay.

sababtan ayaa la xidhiidhi xanuunka cusub ee COVID19 oo nooc cusub laga helay wadanka ingiriiska kaas oo aad u fidayaa lana sheegaya inuu kasoo faafid badan yahay xanuunka covid19.