Soomaali loo doortey AFhayeenka Golaha faderalka itoobiya

0
72

madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka somaalida aadan farax ayaa loo doortey in uu noqdo Afhayeenka Golaha faderalka itooobiya , isaga oo badalaya gudoomiyihii hore Keria Ibrahim oo is casilay Isniinta.

keria

Maxamed Rashiid oo ahaa kuxigeenka oo isaguna kasoo jeeda gobolka Soomaalida, ayaa is casilay isagoo sheegay inuu doonayo inuu siiyo booska wakiilada gobolada kale.

Sidaas darteed, Etsegenet Mengitu waxaa loo dhaarinayaa gudoomiye ku xigeenka.

 Aqalka sare ee Baarlamanka Ethiopia ayaa muddo kordhin u Sameeyay xukuumadda iyo golaha shacabka ee federaalka iyo dhammaan baarlamaanada iyo Xukuumadaha ka taliya ismaamulada dalka Ethiopia.

Xubnaha golaha sare ayaa u codeeyay in goleyaashaasi ay xilka sii hayaan inta la qabanayo doorashooyinka soo socda ee qorshaysan inay qabsoomaan 9bilood ilaa 12 bilood gudahood.

waxay kaloo ansixisay dib u dhigista 4-ta Tirakoobka Guriyeynta # shacabka Itoobiyan, oo horeyba laba jeer dib loo dhigay, waxayna tiri Tirakoobka in lagu qaban doono 2 sano kadib marka xal laga gaadho COVID19.