Sool: Beello Shaqaaqo Dhexmartay Oo Aqbalay Gogol Nabadeed

0
85

Beel ka mida beelihii dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay deegaamadda Booc iyo Adhicadeeye, ee gobolka Sool ayaa aqbashay gogosha nabadeed ee ay u fidisay beeshii dirirtu kala gaadhay.
Waxaanay beeshaasi maanta ka shaacisay aqbalaadda gogosha nabadeed kadib shir ay la yeesheen weftiga wasiirro iyo masuuliyiin kale ah ee xukuumadda Somaliland oo Sool u jooga hawlaha nabadaynta beelahaasi.

Qaar ka mida odayaasha beeshaasi oo hadalo ka jeediyay kulanka ay wasiirradda ayaa shaaciyay in ay aqbaleen gogosha nabadeed, isla markaana ay diyaar u yihiin sidii nabad loogu dhamayn lahaa wixii dhcay.