Somaliland: Tallaalka Covid-19 iyo Dadka Loo Xushay in Lagu Bilaabo

0
50

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi (Bade) ayaa sheegay  in tallaalka Covid-19 ee loogu talo galay Somaliland ay qaybtiisi hore soo gaadhay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, dhawaanna uu dalka iman doono.

Wasiir bade ayaa intaas ku daray in marka tallaalkaasi soo gaadho Somaliland lagu bilaabi doono shaqaalaha caafimaadka, ciidamda Booliska iyo laanta socdaalka, kuwaas oo ka mid ah hawl wadeennada qaranka ee safka hore kaga jira la dagaalanka xanuunkaasi.

Cumar Cali Cabdilaahi Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa kale oo uu sheegay in tallaalka qaybtiisa labaad ay qaadan doonaan ama la talaali doono dadka da’doodu ay ka weyn tahay 60 sanno ama kuwa xanuuno hore qaba.