Somaliland oo ka soo horjeesatay Heshiiskii DFS iyo Midowga Yurub

0
230

Somaliland ayaa ka hadashay heshiiskii midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya ee waddooyinka Berbera iyo Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Qorsheynta iyo Hormarinta Soomaaliland, ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan Wakiil ugu aheyn Taakuleynta ay Caalamka siyaan Soomaaliland,isla markaana Dowladda Soomaaliya aysan Mashaaric ka fulin karin Deegaannada Soomaaliland.

Sikastaba ha ahaate 31-dii bishii la soo dhaafay ayey aheyd markii Magalada Muqdisho ay Midowga Yurub iyo Dowladda Federaalka ay ku kala saxiixdeen Heshiis loogu magac daray Eng Yarisoow,kaas oo lagu dhisayo Wadooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Berbera.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka