Somaliland oo ka digtey mashruuca Baxnaano

0
146

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Ay Ku war-galinaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika& Midowga Yurub & Baanka Adduunka in Barnaamijka Maamulka Muqdisho U la Magac Baxay Baxnaano kuna Sheegay in Qaybo ka Mid Ah Uu Ka Fulin doono Deegaanno ka Tirsan Jamhuuriyadda Somaliland Uu Yahay Faragalin Qaawan Oo Waxyeello Ku Ah Amniga Jamhuuriyada Somaliland isla Markaana Uu Yahay Barnaamij Lagu Marin Habaabinayo Bulshada Caalamka.

Dawladda Somaliland Waxay Uga Digaysaa Maamulka Muqdisho isku-dayga Taagta daran Ee Uu Ku Rabo In Uu Ku Faragaliyo Qarannimada & Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland Waxana Ay Cod Dheer Ugu Sheegaysaa In Uu Maamulkaasi Ka Waantoobo Sheegashada Caal-waaga Ah Ee Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland.

Dawladda Somaliland Waxa Ay Si Gaar Ah Uga Codsaneysaa Baanka Adduunka In Uu ka Fiirsado Deeqaha La Siiyo Maamulka Aan Musuulka Ahayn Ee Ka Dhisan Soomaaliya kaas Oo Caadaystay inuu U Adeegsado Deeqaha & Caawimooyinka Aadane Ee Adduunka U -jeeddooyin Gaar Ah & kuwo Siyaasadeed Oo Lagu khalkhal Galinayo Amniga &Xasilloonida Jamhuuriyada Somaliland.

Ugu Dambayn

Dawladda Jamhuuriyada Somaliland Waxa Ay Si Adag Ugu Digaysaa Cid kasta Oo Isku Dayda In Ay Qayb Ka Noqoto Isku-dayga Fulinta Mashaariicda Ka Hor Imanaya Madaxbannaanida &Qaran-nimada Jamhuuriyda Somaliland”

Xafiiska War-faafinta
Wasaarada Arimaha Dibada &Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Jamhuuriyada Somaliland