Somaliland iyo go’aankii ay ku joojisay Diyaaradaha ka imanaya muqdisho

0
141

Go’aankii Xukuumadda Somaliland oo hirgelay ee ahaa go’aankii ay ku joojisay Diyaaradaha isaga kala goosha Muqdisho iyo Hargeysa.

Muddo saddex maalmood ah ma jirto Diyaarad u kala duushay garoomada Hargeysa iyo Muqdisho.

Somaliland ayaa joojisay Duullimaadyada Soomaaliya kadib markii qof qaba cudurka Corona laga helay Muqdisho.

Dad badan oo doonayay in ay raacaan Diyaaradahan ayaa ku kala xanniban Muqdisho iyo Hargeysa.

Amarka xukuumadda Somaliland ayaa soconaya muddo ilaa inta amar danbe ka soo baxayo sida ay ii sheegeen saraakiil ka hawl-gala Madaarka Hargeysa.

Source xasan galeydh