Somaligii Jimcihii Faqiirka Ahaa Sabtidiina Taajirka Noqday.

0
35

Aduun
………
Max.ed Jaamac waa Abaha Qoyskan, Waxay na ku Nool Yihiin Wadanka Norway isaga iyo Caruurtiisa iyo Xaaskiisuba.

Maxamed oo Degan Guri u Lee yahay Kamuunka ( Dawlada hoose ) ee Dagmada Toyen ee Caasimada oslo Ayaa bishii ugu Dambaysey Dhaqaalaha soo Galaa dhaafay intii ay ku Heshiyeen kamuunka.

Maxamed iyo Kamuunka Ayaa ku Heshiiyey hadii Mushaharkiisu uu Dhaafo 15.000 karoon oo u Dhiganta 1500 dolar bishii , In Qoyskiisu Raadsado Guri Private ah oo Ah Kuwa Shacabka ee Kiradiisu Qaaliga tahay kana Baxo Guriga Kamuunka ee kirada Jaban Waa Sida kamuunku Sheegayo,ee.

Bishan ayaa maxamed waxaa la Soo Xidhiidhay maamulka kamuunka Waxana loo Sheegay in u gaadhay Dhaqalahihii lagu Heshiiyey Sidaa Awgeed u baneeyo Guriga.

Inta ka Dib maxamed ayaa Kamuunka u Qoray Waraaq Cabasho ah oo u ku Dalbanayo in lagu eego il naxariis leh hadana ay tahay xili karoone oo aanu helayn guri kiro ah Sidoo kale Caruur yar yar u Wato Qabow Darana u Dhacayo.

Kamuunka oo aan Wada Tashi ka yeelan kiiska maxamed Sidoo Kale aan u furin Kiis Ayaa Maamulka Qaybta Guryahu Qaatay , Go.aan ah in Maxamed loo Adeegsado Xoog loona Diro Askar Si Guriga looga Dareeriyo Qoyska.

Askarta ayaa Albaabka ka gashay Qoyskii oo Xili Baraf badan Dhacayo ,,, Ka Soo Baxa Guriga iyo Maxaa Dhacay , Buuq Badan ka dib Askartii Waxay ku adkaysatay in la Soo Siiyey Amar Gurigana ay Xidhayaan.

Caruurtii oo Qaar Hurdeen Ayaa la Soo Kiciyey Waxana loo Saaray Berafka ,,, Gurigiina Waa laga Xidhay Qoyskii Ayaa Talo ku Cadaatay

Ciidanka Qaar ka Mid ah Ayaa Hooyada iyo aabaha Qoyska ka Codsaday inay u Raaci Karaan Guriga la Seexiyo Sakhraaminta dariiqyada laga Qaado ,, Qoyska Ayaana Diiday Dalabka oo Kaga Hadhay halkii.

Inta ka Dib Waxaa soo Baxay Deriska oo ka War Helay Masiibada Caruurta Debeda Keentay Xiligan Qaboobaha ah.

Gabadh Deriska ah oo Cadaan Norweygi ah ayaana Facebook ku Qortay Qisada ku Dhacday Qoyska Waxaxana Share gareeyey Kumanaan Kun oo Qof.

Sheekadii Ayaana Baraha Bulshada Qabsatay Waxayna Dib ugu Soo Laabatay Maamulki oo la kulmay Cambaarayn Xoogan ,, Sheekada Ayaana Gaadhay heer maamulka laga Dalbado Is Casilaad Deg Deg Ah.

Gabadhii Sheekada Qortay Ayaa Shacabka Norway ka Dalbatay in Qoyska loo Uruuriyo 50,000 karoon taas oo ah Debaajiga Guriga ay kiraysan Doonaan.

Laakin Lacagti Ayaa Saacad wax ka yar ka dib Dhaaftay Halkii Goal ku Ahaa Waxayna Sheegtay Inay ku Qasbanaatay inay u Bedesho Ilaa Boqolkun oo Karoon laba Saac Ka Dib Ayey Hadana Dhaaftay Halkii.

Inta ka Dib Gabadhii Ayaa Qaadatay go,aan kale oo ah in Ciwaanka Sheekadaba loo Bedelo Guri Ha loo iibsho ,,, markay aragtay Xawliga lacagtu ku Socoto Waxanay na goalka lacagta ka Dhigtay Hal milyan , 24 Saac ka dib Maxamed Lacagtiisii Waxay Gaadhay Hal malyan

Isagoo jimcihii Faqiir ahaa Ayuuna Sabtidii Taajir noqday Hada Maxamed Jamac iyo Maryan Xuseen Waxay Raadinayan Guri weyn oo iib ah ,, Kamuunkina Waxay Rabaan inay Guriga la soo iibiyan Si iyagu Xalka Qayb uga Noqdaan isagana Jeediyaan Indhaha Shacabkii Soo Doortay

Waa Halkii laga odhan Jiray Wax aad Shar moodayso Ayaaba khayr ku ah ku Darsoo Lacagta Qoyskan ilaa Hada Kor ayey u Socota Waxana Suuro gal ah inay gaadho Lacag u goysa laba Guri ,,

Dawlada Dhexe ayaana Shaacisay in aan la Cashuuri Doonin lacagta maxamed Sidoo Kale Mulkiilaha Shabakada lacag uruurinta Norway ee ipas ayaa Sheegay in u ka Dhaafay Khidmadiisi
اللهم انصر المسلمين في كل مكان😢🤲

Al Jasiira News