Home WARARKA MAANTA Sheekh shariif oo teleefanka kula hadley safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben...

Sheekh shariif oo teleefanka kula hadley safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender

0
118

Waxaa teleefanka kuwada hadlay madaxweynihii hore soomaaliya sheekh shariif iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender

sida uu sheegey sheekh shariif sida uu ku baahiyey warbaahinta baraha bulshada waxaney u qorneyd sida tan.

Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay maanta safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender.

waxaan ka hadalney diyaar garowga doorashada qaranka, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland.

Sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii aan xafiiska joogay maantana hakad kujira ayaan isla soo qaadney.

Ugu dambeyntii waxaan isla garannay abuurista jawi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka kaliya ee lagu gaari karo hanaan doorasho oo xor ah.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com