Home WARARKA MAANTA Sheekh Dirir oo dhallinyarada iyo Bulshada uga digay baraha Bulshada

Sheekh Dirir oo dhallinyarada iyo Bulshada uga digay baraha Bulshada

0
9

Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa uga digay dhalinyarada iyo dadka islaamka inay iska ilaaliyaan fitnada shahwada, hamada iyo jinsiga, baraha bulshada iyo meelaha waxyaalaha xunxun baahiya aad ayey ugu badan yihiin.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa  ka hadlay sida qofku u adkaysan karo diinta Islaamka wuxuna ku bilaabay

“Usbuucii hore waxaynu kaga soo hadlaynay weerarka ummadaha shisheeye ku hayaan diinteena islaamka, iyo shubuhaadka ay soo arooriyaan, ee laga dhigayo waxyaabo casri ah. Khudbadeena manta waxay ku saabsan tahay sidii diinta islaamka loo adkeysan lahaa. Si duufaanada iyo duulimaadyada looga badbaado. Uguna horeyso waajahaada Quraanka kariimka, baarshadiisa iyo ku dhaqankiisa. Waa xadhigii Ilaahay Sw soo laadlaadiyey, ee culuumta oo dhan laga qaato. Dadku hadba inta ay Quraanka u jiraan ayey badbaadadu u jirtaa.

Arrinka labaad ee diinta loogu sugnaanayo, wax aka mid ah in Ilaahay Sw sharcigiisa la cuskado iyo inaynu ku dhaqano sharcigaa. Ilaahay Sw waxuu tilmaamay qofka uu qabriga ku sugayo, yahay qofkii aduunka ku sugnaa, hadaad ifkii ka tagtay, aakhirana wuu kaa tegayaa.

Arrinka saddexaad ee inoo sahlaya waa fahamka iyo weheshiga qisooyinka ambiyada. Qiso walboo Quraanka aad akhrido faa’iido ayey leedahay.

Arrinka afaraad waa ducada, marwalba Ilaahay SW ayeynu ku tiirsan nahay, dhibaatooyinka inna haleela Ilaahay SW ka ducaysano, Ilaahow sabirka nagu adkee, ilaahoow aanan diinta ka duulin, ducadooda sidaa ahaa mu’miniinta. Nabi Maxamed CSW waxuu ku ducaysan jiray, “Ilaaha SW qalbiyada gedgediyow, qalbigayga diintaada ku sug.” Xaaskiisi Caa’isha RC ayaa ku lahayd ducadaasi aad ayey kuugu badan tahay, markaa ayuu Nabigu CSw ugu jawaabayey “Qalbiyada adoomadu waxay u dhexeeyaan laba farood ee Ilaahay SW ka mid ah, dhinacuu doono ayuu u qalibaa.” tusaale ayuu Nabigu CSW inoogu yahay ducada.

Arrinka shanaad wax aka mid ah raacida dariiqii salafkii wanaagsanaa, si la iisaga ilaaliyo firqadaha qalooca, lagu tarbiyadeeyo dadka manhajka wanaagsan ee diinta islaamka sidii saxaabadii Nabiga CSW loogu tarbiyadeeyey, ee wax kastoo lagu sameeyo looga fujin kari waayey diintooda islaamka.

Sheekh Maxamed oo ka sii hadlayey sababaha lagu ilaashan karo inaynu Ilaahay SW xuskiisa badino, oo qowlkeena iyo qalbigeena ku badan yahay, sida Ilaahay SW aayad quraanka inoogu sheegay “Dhaqanka dadka Ilaahay SW rumeeyey waa inay xuskiisa badiyaan, qofka Ilaahay SW xusa qalbigiisu wuu degan yahay. Qalbigaa diinta ku degan duufaanadu ma qaadi karaan. Markaa ayuu weliba Ilaahay SW inoo sheegay inaynu xuskiisa badino “Ilaahay SW xusa, xus badan.” Markaad Ilaahay SW aad u xusto waxay muujinaysaa inaad jeceshahay.

Waxa ka mid ah dacwada diinta islaamka, taasoo ah inaanad gurigaaga iska fadhiyin ee diinta faafiso oo itaal iyo aduun waxaad leedahay u isticmaasho diinta islaamka, waa amaano inna saran, kaalinna aynu ku leenahay? Maxaa laga faa’iidayaa? Qofku markuu is-xilsaaro ee dhaqaaqo, ugu horeyn naftiisa ayaa badbaadaya, waxuu is odhanayaa, mar hadaad wax sheegayso adigu ku dhaqan, si aanu qowlkaaga iyo ficilkaagu isku khilaafin. Nabiga CSW waxa la yidhi u sheeg “Dariiqii xagu waa kaa, dadka aan ugu yeedhayo, cidii I raacda” markaa qofkii aan dadka ugu yeedhin Nabiga CSW muu raacin.

Waxa ka mid ah asbaata loogu sugnaanayo diinta islaamka inaad saaxiibo fiican leedahay, madax ahow, qof caadi ah ahow, dumar ahow, caruur ahow, qof walba saaxiibkii saamayn ayuu ku leeyahay, inuu ku lumiyo iyo inuu ku hagaajiyo. Wax la sahashan karo maaha saaxiibku? Maadama uu si yar kuu jiidan karo.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Nabi Maxamed CSW oo ummada u fadli badnaa Ilaahay SW ku yidhi asxaabtaada fiican la joog oo haka tegin “Awliyada Ilaahay SW ee gaaladu indhaha ka lalinayaan, la joog oo haka tegin”

Arrinka kale innagu dhiirigelinaya ku sugnaanshaha diinta islaamka wax aka mid ah inaad ku kalsoonaato in diinta islaamku tahay ta xaqa, mustaqbalkana leedahay, inaad ku kalsoonaato, oo shisheeyaha iyo gaaladu aanay indhahaaga ku weynaan, oo aanad quusan isla markaana odhan aduunka waa lagu kala tegay, islaam iyo muslim soo kacaya ma jiro, quusta noocaa ayuu Nabigu CSW ka digayaa, dhaqanka qofka muslimka sidaa maaha.

Arrinka kale muhiim u ah ku sugnaanshaha diinta islaamka waa ka tegida macaasida, oo aynaan fudeydsanin caasida Ilaahay SW, xitaa dunuubta yaryar ha fudeydsan, Nabigu CSW wuu inooga digayey in dembiga yaryar markuu biro dab weyn noqdo oo lagu gubto. Markaa goor kastoo macsiyada aad yareysato, waxaad ogaataa inaad Ilaahay SW yareysatay, ha eegin macsiyada yaraanteeda ee eeg Ilaahay SW weynaantiisa aad caasiday. Inaynu macsiyada iska yareyno waa mid inoo fududeynaysa ku sugnaanshaha diinta islaamka, oo fidmooyinka iyo duufaanadu aanay inna qaadin.

Waxa ka mid ah sabirka ku sugnaanshaha diinta islaamka. Sabirku noocyo badan ayuu leeyahay, mar cudurka ayuu ku sabrayaa, mar dacwada ayuu ku sabrayaa, mar difaaca diinta ayuu ku sabrayaa, mar shahwaadka naftiisa iyo rabitaankeeda ayuu ka sabrayaa, mar cibaadada ayuu ku sabrayaa, quraanka Ilaahay SW wuu innagu dhiirigeliyey sabirka, “Ilaahay SW wuu inna barbar taagan yahay, hadii aynu salaada iyo sabirka ogaano, oo aynu kaashano” xadiis ayuu Nabigu CSW ugu duceeyey dadka sabra “Qofna lama siinin deeq ka khayr badan oo ka waafisan sabirka.” Sabirku waa qiimaha qofka muslimka ummadaha kale dheeryahay.

Sababaha lagu badbaadi karo wax aka mid ah ka fogaanshaha goobaha fitmooyinka, nafta bani’aadamku waa daciif, hadaad madaxa la gasho meel lagu fitnoobayo, adigaa sababta lahaa, ka durug. Waxa ka mid ah fitnada shahwada, hamada iyo jinsiga oo ah waxyaalaha dhalinyarada lagu haleeyey maanta, baraha bulshada iyo meelaha waxyaalaha xunxun baahiya aad ayey ugu badan yihiin. Marka aad doonaysid arrimahaa inaad ka badbaado Nabi Yuusuf CSW qisadiisii eeg, iyo siduu uga dabaashay ee quraanku inna baray. Fitnada shubuhaadka iyo madmadowga ayaa ka mid ah, ee la sii deynayo, ee qofka diintiisa ka dhaawaci kara, qofkuna aanu gelin baadhitaankeeda, waayo sheydaanku halkaa ayuu qofka u soo marayaa. Si aanad ugu dhicin sidii kuwii dhowaan ciidanka booliisku u sheegeen inay qabteen dad diinta islaamka yaqaanay oo kiristaan faafinaya.

Sheekh Maxamed oo ka sii hadlayey sababaha diinta lagu adkeysto ayaa sheegay in meelaha lagu fitnoobo maalku ka mid yahay, maalka waynu ka shaqeysanaynaa, laakiin, intuu mudan yahay hadaad dhaafiso waad ku indho beelaysaa, oo ku dhego beelaysaa, oo ku feker beelaysaa?   Maalku xilliyadan aynu joogno waxyaalaha dadka lagu fitneeyo ayuu ka mid yahay, oo madaxda iyo dadka acyaanta meelaha laga fitneeyo ka mid yahay, mar uu Nabigu CSW ka sii digayey aakhiru samaanka waxuu lahaa “Waagu waxuu qof u baryayaa isagoo mu’min ah, gabalkuna u dhacayaa isagoo gaal ah, qofku waxuu diintiisa ku iibsaday inyar oo aduunyo ah” kii dawlada ku jiray intaa ayey gaaladu u dhiibayaan, mid mutacalim sheeganaya ayaa la odhanayaa muslimka noo soo basaas inta in maal ah loo dhiibo. Maalmku waxyaalaha wax lagu fitneeyo ayuu ka mid yahay.

Waxa ka mid ah fitnada kursiga, oo waxyaalaha qofku diinta kaga siibto ka mid tahay, ninkii diintiisu wacnayd ayaa siduu kursigaa u eryanayo waxyaalo lama taabtaan ahaa ka tegayo. Mansab raadinta iyo kursigu waxay keeni karaan in qofka diintiisu ka dhaawacanto, oo isagoo kursiga ilaalinaya diinta ka bixi karo am aka daciifi karto.

Waxa ka mdi ah ehelka iyo ubadka waxyaalaha fitnada keena, Ilaahayna SW ka digay markuu Quraanka inoogu sheegay “Ubadkiina iyo ooryahiina waxa ka mid ah kuwo cadow ah,” hadda waa kuwii aad u ordeysay, ee u dagaalamaysay, ee dadba isku layseen ayuu Ilaahay SW inna leeyahay waa cadow, cadow maxaa la yidhaahdaa qofka naarta kuu horseeda, qofka Ilaahay SW kaa horgeeya ayaa cadow ah, qofka xaaraan kuu horseeda ayaa cadow ah, ehelkaagaba ha ahaado, markaa ayuu Ilaahay SW yidhi ka feejignaada.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in arrimahaa aynu soo sheegnay dhamaantood ay ka hadlayso suuratul Wacasr “Bani’aadamku dhamaantii khasaare ayuu dhexda ugu jiraa, afar arrimood dadka laga helay mooyee? Kuwa iimaan iyo camal wanaagsan la yimi, dacwadiina way faafiyeen, sabirkiina way ku urureen oo diintooda ku adkaysteen” sida adaraadeed culimadu waxay yidhaahdeen, suuradani waano iyo wacdi dadka way ugu filan tahay, suuradaha u yaryar Quraanka0ba ha ahaatee. Markaa waxaynu isu sheegaynaa wadaad iyo waranle, cid fitnadaa ka aamin noqon karta wakhtigan aynu joogno ma jirto, markaa qof walba waa inuu feejignaadaa, oo anteenadu u taagan tahay, oo sumcadiisa xaga Alle SW iyo xaga dadka ilaaliyo, qalbi wanaagsan Ilaahay SW ugu tago.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com