Saxafi dulyar oo lagu xidhey Beledweyne

0
150

Saxafiga Abdulkadir Farah Dulyar ayaa ciidanka dowladda Soomaaliya ku xireen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dad Xog Ogaal ah ayaa sheegay in weriyaha ciidan hubeysan ay kala baxeen hotelkii uu magaalada ka degennaa.

Lama oga sababta ciidanka dowladdu u xireen weriye Dulyar – balse waxaa uu ku soo beegmay xarrigiisa saacado kooban kadib markii uu duleedka magaalada Beledweyne ku soo wareystay General Abuukar Xaaji Warsame Xuud – oo hoggaamiya Jabhadda Xaq u dirirka Hiiraan.

Waxaa soo baxaya baaqyo fara badan oo looga codsanayo dowladda inay sii deyso oo xorriyaddiisa loo soo celiyo weriyaha.