Saraakiil iyo Askar ku dhaawacmay Shil Gaari

0
247

Ugu yaraan labo Ruux ayaa la xaqiijiyay iney geeriyoodeen, Lix kalana wey ku dhaawacmeen, kadib markii ay isku dhaceen Gaari Boolis ah iyo Mooto waday Dad Rakaab ah oo maraysay waddo u dhaxeysa Deegaannada Kiyaaniyaaga iyo Riwaambite oo kawada tirsan Dalka Kenya.

Labada Ruux ee geeriyootay ayaa la sheegay iney ahayeen Rakaabkii saarnaa Mootada,halka Lixda Ruux ee dhaawacantay ay ahayeen Booliskii Gaariga la socday oo iskugu jiray Saraakiil iyo Askari.

Shilka kadib ayaa la sheegay in dadka Deegaanka ayaa ka caroodeen falkaasi,isla markaana ay gubeen gaarigii booliska sida ilo ka mid ah Dadka Deegaanka ay Warbaahinta u shegeen.

Ciidamada Booliska ee Shilka ku dhaawacmay ayaa la sheegay in qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah,isla markaana loo qaaday isbitaal ku yaalla Magaalada Nayroobi ee Caasimada Dalka Kenya.