Safiirka Cusub ee Ruushka oo Warqadaha Aqoonsiga laga guddoomay +Sawirro

0
285

Kusimaha Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Avv. Hersi Haji Olosow, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa kaga guddoomay  nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Ruushka, Mudane Mikhail Golovanov.

Kusimaha Xoghayaha joogtada ayaa urajeeyay Safiirka cusub in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in uu si dhammeystiran utaageeri doono xoojinta xariirka laba geesoodka ee qotada dheer u dhaxeeya labada dal ee saaxiibada ah si iskaashi dhow dhinacyo badan leh loo sameeyo.

Sikastaba ha ahaate Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo ay ku doneyso iney wadamo badan oo ka mid ah Caalamka ay xiriir wanaagsan la yeelato,iyadoo dhawaan wadamada Canada iyo Austria ay Safiiro Cusub u soo magacaawdeen Soomaaliya.