Safaaradda Mareykanka Ku Lahaa Dalka Tunisia Oo Maanta La Xidhay Iyo Sababta

0
244

Bg N-Tunis)-Hadal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ku leedahay caasimadda dalka Tunisia ee Tunis ayaa lagu sheegay inay Safaaraddu maanta xidhnaan doonto, marka laga reebo Adeegyadda Deg-dega ah. Safaaraddu waxay kaloo sheegtay in sababo dhanka ammaanka darteeda maanta loo xidhay Safaaradda. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay, kadib markii ay 2 weerar oo Isqarxin ah ay Khamiistii la soo dhaafay ka dhaceen meel ku dhow Safaaradda faransiiska ku leeyahay magaalladda Tunis. Kooxda Daacish ayaana sheegatay mas’uuliyadda Is-qarxintaasi, oo uu hal Sarkaal Bolis ku geeriyooday, 8 kalena ku dhaawacmeen.