Roobab ka da ay Qardho oo dhimasho dhawac sababey

0
136

Meydadka lix ruux oo saddex kamid ah carruur tahay ayaa la geeyey cisbitaalka guud ee degmada Qardho, sida lay xaqiijiyey, dad kale ayaa la la’yahay, guryo iyo goobo-ganacsi ayaa sidoo kale burburay, baabuur yaryarna daadadka ayaa qaatay, waxa jira qoysas badan oo shalay guryo ku jiray maantase banaanka jooga, kaddib daad xoogleh oo xalay qarqiyey magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Dadka dhintay waxaa kamid ah hooyo iyo laba carruur ah oo walaalo ah.

Afar tog/waadi oo magaalada mara ayaa dhammaantood soo rogmaday, roobabka Gu’ga oo ka da’ay magaalada iyo gobolkaba. Isku socod aan badnayn ayaa ka jira jidka Qardho iyo Boosaaso, mana aysan jabin buundada Qardho.

Weli dowladdu war rasmi ah kama soo saarin, balse waxa jira gurmad ay garwadeen ka tahay, madaxweyne Deni ayaana ku foolleh halkaasi.

Maamulka cisbitaalka Qardho ayaa codsanayaa in dadka dadkoodii la’ay is diwanageliyaan si loogu raadsho.

Boggan kala soco wararka roobabka saameynta yeeshay.

Mohamed Salh