Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Ahmed ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ถ๐—ป ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ท๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น

0
112

Raisul wasaaraha dalka itoobiya Abiy Ahmed, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay waxa uu ku sheegay in dhamaan shucuubaha kala duwan ee dalkiisu ay u istaageen sidii ay u difaaci lahaayeen midnimada iyo qaranimada itoobiya, islamarkaana uga hortagi lahaayeen aragti burburinta ku salaysan ee kooxda Juntaaga,, waa siduu hadalka u dhigaye.

,,Ibliiska kula nool way adagtahay inaad durba iska goyso balse waxaan idiin balan qaadayaan in Juntaaga aan iska goynayno oo uuna dib inoogu soo noqon ,, ayuu yidhi PM Abiy Ahmed.

Wuxuu intaasi ku daray in wakhti xaadirkan ay ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanadu samaysanayaan fadhiisimo ku haboon difaaca islamarkaana iyagoo ilaalinaya xabad joojinta ay dawladiisu ku baaqday ay ka jawaabayaan weerarkasta oo TPLF ka yimaada.

Dhankakale pm Abiy Ahmed ayaa ku baaqay in laga fogaado waxyaabaha keenaya kala qaybintabee ay cadawga itoobiya soo maleegayaan si,aan u gaadhno ayuu yidhi guusha aan rabno.

Raisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday in si itoobiya ay u wada jirto una waarto ay muhiim tahay in Cawska beerta laga guro balse dalaga aan dhibaato loo gaysan.