“Rauters”: Imaaraadka Carabta ayaa hoos u dhigtay joogitaanka milatari ee Yaman iyada oo loo eegayo xiisadda Gacanka khaliijka oo sare u sii kacaysa

0
422

Beegsonews- oo ka soo xiganeysa wakaalada wararka ee “Reuters” oo sheegtay iney kasoo xigatay il diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay in United Arab Emirates Hoos u dhigayso joogitaankeeda ciidan dalka Yemen, iyadoo usababaynaysa xiisada sare usii kacaysa ee gobolka Khaliijka.”

UAE: Xasaradaha Gacanka xalkoodu kaliya wuxuu noqon karaa xal siyaasadeed
ilo diblomasi reer galbeda ayaa xaqiijiyey Imaaraadka Carabtu inuu qayb ka mida ciidankiisa ka saaray dekada Aden iyo xeebta galbeed saddexda toddobaad ee la soo dhaafay, inkastoo aysan cadeyn tirada ciidamada UAE ee ku sugan dalka yamen.

Dhiniciisa, masuul imaaraatiya oo hadlay ayaa “Reuters” u xaqiijiyay in ay jireen “dhaqdhaqaaqa qaar ka mid ah ciidamada Imaaraadku ay ka wadaan gudaha Yemen, laakiin ma u cadeyn ka bixitankoda .

,wax faahfaahina oo dheerada ah kuma darin.

Xigasho: Reuters