Raul Castro ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay

0
150

Raul Castro ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay hogaamintii xisbiga shuuciga ee Cuba,
Is casilaadda Raul ayaa soo afjartay hogaamintii reer Castro oo soo bilaabatay sanadkii 1959.

Raul Castro oo 89 jir ah ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirweynaha Sideedaad ee xisbiga talada haya, oo ah kan kaliya ee laga oggol yahay dalkaas.

Wuxuu sheegay inuu shaqada uga fadhiisanayo isagoo wata dareen ah “inuu guto himiladiisa isla markaana uu ku kalsoonaado mustaqbalka dhalinyaradda kacaanka.”

Castro ayaa sheegay in jagadaas uu iska casilay ee xoghayaha koowaad ee Xisbiga Shuuciga. Loo dhiibo Miguel Diaz-Canel oo ah Madaxwaynaha hada haya talada dalka Cuba.

xigasho M Giriig