Rakaab Ka Soo Kala Jeeda 33 Dal Oo Ku Geeriyootay Diyaaradii Ku Burburtay Dalka Ethiopia

0
152

Shirkadda Ethiopian Airlines waxay xaqiijisay inay wada geeriyoodeen 147-kii rakaabka iyo 8 shaqaalaha ee saarnaa Diyaaraddii saakayto ku burburtay nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 737  kuna sii jeeday magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inay la socdeen Rakaab oo ka soo kala jeeda 33-Waddan.

Koox ka socota Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa gaaray deegaanka ay Diyaaradda ku burburtay, waxaana socda hawlgal xxooggan oo lagu soo ururinayo maydadka iyo qalabka kale ee muhiimka ah.