Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Mahathir Maxamed oo is casiley

0
142

Iscasilaadda Mahathir Maxamed ayaa noqotay mid lama filaan ah, waxaa uu jiraa da’da 94, waxaana lagu tiriyaa in uu yahay hogaamiyaha ugu da’da weyn caalamka.

Iscasilaaddiisa ayaa imaaneysa xilli ay soo baxayaan wararka sheegayo inuu sameyn rabay isbaheysi cusub oo uusan ku jirin ninka la filayay inuu xilka kala wareego Anwar Ibraahim.

Wuxuu ahaa raysal wasaare, iyo madaxa isbahaysiga BN, muddo 22 sano ah, laga soo bilaabo 1981 ilaa uu xilka ka degay 2003.

Anwar wuxuu ku-xigeen u ahaa Mahathir balse xiriirkooda ayaa xumaaday markii shaqada laga ceyriyay Anwar sannadkii 1998-kii kaddib markii uu soo dhexgalay muran siyaasadeed.

Mahathir Maxamed ayaa sannadkii 2018-kii mar kale loo dhaariyay raysal wasaaraha Malaysia kaddib markii uu si aan la fileyn ugu guuleystay doorashada, 15 sano kaddib markii uu xilka ka degay.

BBC Somal