Ra’iisal wasaaraha cusub oo kulmey mas’uuliyiin kale

0
14

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulamo  gaar-gaar ah la qaatay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Jubbalanad, Hirshabeelle iyo siyaasiyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulamadaan oo ka qabsoomay hoyga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiradda lagu saaray, sidii looga wada shaqayn lahaa , arrimaha Hortabinta leh  ee ku salaysan  marxalada uu dalku ku jiro sida in Doorashooyinku  ay ku qabsoomaan  si  daah furan.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  mas’uuliyiinta  uu la kulmay ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyin ku saabsan fikirkooda ku aaddan sidii looga wada shaqeyn lahaa  Arrimaha Amniga dhaqaalaha , Doorashooyinka oo dhamaan mudnaanta koowaad u leh Ra’iisul Wasaaraha, waxa ayna ku bogaadiyeen sida ay ugu go’an tahay in dalkeennu  Sameeyo horumarka dhinac kasta leh oo ku dhisan fikir wadaag.