Qooys waxyeelo culus kasoo gaartay duqeeyn laga fuliyay Ceel-waaq!!

0
151

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Waraha kutuma oo katirsan Degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha Kenya ayaa la sheegay in ay fuliyeen duqeynta,islamarkaana ay la beegsadeen dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab.

Balse duqeynta ayay waxyeelo kasoo gaartay Gudoomiyiha deegaanka waraha kutuma oo katirsan Degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo wiil uu dhalay.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in duqeynta ay fuliyeen ciidamadda Kenya,islamarkaana lagu dhaawacay Gudoomiyaha deegaanka iyo wiil uu dhalay.

Ciidamadda Kenya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay duqeymaha ay la beegsadaan dagaalyahanaddda Xarakadda Al-shabaab.