Qisadii Dhakhtarkii saboolka ahaa♥

0
142

Waa masaari, Mohamed Mashally “Dhakhtarkii saboolka ahaa” Wuxuu ka qalin jabiyay Kulliyadda Caafimaadka sanadkii 1967 kii wuxuuna galay kaalinta koobaad isaga oo keenay itixaaankii udambeeyay 99.3% …

Mohamed Mashally ayaa daweeyay masaakiinta 50 Sano kabadan, si lacag la’aan ah oo xitaa wuxuu siiyaa lacag ay ku iibsadaan daawo, kuwa aan awoodin,

Wuxuu ka qaataa lacag dhan 10gini(in ka yar hal doolar)

Boqolaal bukaan ah ayaa safan maalin kasta iyagoo hor joogarugtiisa,caafimaad,

Dr. Maxamed wuxuu shaqeeyaa 10 saacadood maalintii laga bilaabo 9ka subaxnimo ilaa 7da fiidnimo si loo daweeyo tirada ugu badan ee dadka ah.

Muhammad Mashali ma haysto gaari, xitaa taleefanka gacanta, wuxuu ulugeeyaa gurigiisa markuu shaqada kaboxo inkastoo uu 80 sano jiro.

Xitaa markii mid ka mid ah maalqabeenada Khaliijka uu maqlay sheekadiisa, wuxuu ugu deeqay 20 kun oo doolar, wuxuuna siiyay gaari u fiican xaaladiisa, laakiin sanad ka dib, mutadawiciinta ayaa ogaadey markii uu ku soo laabtay Masar in Muxammad lacagtii uu u qeybiyay bukaannada saboolka ah uuna iibiyey gaarigii si uu ugu iibsado aaladaha loogu baadho bukaanka si bilaash ah.

Hadda waxaa uyimid qolo LA yiraahdo قلبي إطمئن oo dadka caawiya waxay damceen inay caawiyaan wuu diiday,

Muxammad Mashaly wuxuu yidhi: Qalin-jabintaydii kadib waxaan ogaaday in aabahay uu naftiisa II huray si uu dhakhtar iiga dhigo..
Markaa waxaan Ilaah ugu ballanqaaday inaanan ka qaadan masaakiinta lacag badan kii aan haysana aan ka dhaafo, ♥ ️

Bila aadam noqo intaadan dhakhtar noqon.

Turjume:عبد الغني محمد جامع