Home WARARKA MAANTA Qaraxii Afgooye Tirada dhimashada oo Mareysa in ka badan 73 qof +sawiro

Qaraxii Afgooye Tirada dhimashada oo Mareysa in ka badan 73 qof +sawiro

0
161

waxaa aad usii badanaya Dhimashada iyo dhaawaca uu sababey qararxii saaka ka dhacey wadada kantaroolka afgooye ee magalaada muqdisho

Isbitaalada ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dad qaba dhaawacyo kala duwan iyo Meydad badan oo weli la aqoosan la’yahay, waxaana Mashquul uu ka jiraa gudaha Isbitalada Magaalada oo ay buux dhaafiyeen Ehelado dad ay ka maqan yihiin.

Agaasimaha Cisbitaalka Madiina oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas ay ku ku dhinteen 73-ruux, halka 90 qof kalena ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay  in tiradaas lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

waxaa kale ka mida dadkii ku dhintey ardey jaamacada oo 20 qof ahaa oo aan waxba ka hadhey iyo gaadhi shacab oo 4qof saarnaayeen oo aan waxba ka hadhey iyo gaadhyaasha waxyaaleeda ka soo gaadheyn qaraxu oo gaadheysa 10 gaadhi oo quraxu saameeyey ay ku burbureen waxyeeladu sidaas ayay u badan tahay walina lama hayo tirada dhabta ah ee ku dhimatey

safiirka somaaliya u fadhiya dowlada turkeyga ayaana xaqiijiyey in labad qof uga dhinteen qaraxii ka dhacey ex-kantarool afgooye labada nin oo ahaaa engineero wadada isku xidha muqdisho iyo afgooye dhisayey

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com