Qarax xooggan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
277

Wararka naga soo gaadhaya muqdisho agagaarkeeda ayaa waxey sheegayaan in iminka qarax jugtiisa laga maqlay inta badan wadada dheer ee xariirisa Muqdisho iyo Afgooye, lala eegtay kolonyo gawaarida Aminsom ee maraayay inta udhexeeyo degaanada weydo iyo treedisho oo kawada tirsan duuleedka Muqdisho.

Sida ee inoo xaqiijiyeen goobjagayaal ka ag dhawaa nawaaxiga qarax uu ka dhacay khasaare xoogan ayaa soo gaaray kolonyadaas intaasi Kadibna waxey bilaabeen kolonyadaas in ey rasaas xoogan ey oodda ka qaadaan.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM  qaraxa Miino lala eegtay xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa deegaanada Weydoow iyo Tareedisho,waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaasi.

Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in rasaas badan ay fureen, iyadoona la tilmaamay in waxyeelo ay ka soo gaartay dadka Shacabka ah.

Majiro war intaas ka faafaahsan oo halkaas laga heli karo hayeeshee wixii soo kordho nagala soco kartaaa.