Qarax Lala Eegtay Kolonyo Ay La Socdeen Ciidamo Ka Tirsan Itoobiya

0
277

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxaa ku waramayaan in Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya  qarax lagula eegtay degmo ka tirsan Gobolkaas.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Miino dhulka lagu aasay,waxaana Ciidamada lagula eegtay xili ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa deegaanka Yurkud iyo degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale qaraxa ayaa la tilmaamay inuu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen Ciidamada Itoobiya,kuwaasi ka  yimid Gobolka Baay kuna siii jeeday Gobolka Gedo,isla markaana waxaa qaraxasi ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in qaraxa,kadib dagaal xoogan uu dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab,kaasi oo socday muddo daqiiqado ah.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay  qaraxii Ciidamada Itoobiya lagula eegtay wadada xiriirisa deegaanka Yurkud iyo degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa warar ay ku qoreen barahooda waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas,waxaana shabaab inta badan weeraro kala duwan  ay ku qaadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xiliyada ay socdaalka ku marayaan qeybo kamid ah Gobolada dalka.