Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
287

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybo kamid ah Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaasi ayaa waxa la sheegay inuu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca Raaxada ah,isla markaana waxaa uu ku qarxay xili uu mararay Nawaaxiga Saldhiga Degmada Waaberi.

Warar aan helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray Haweeney laamiga dhinaciis goob ganacsi ku laheyd,waxaana loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ciidamo Booliska ah oo xiliga uu qaraxa dhacayay ka Agdhawaa Saldhiga Degmada Waabari ayaa tegay,kuwaasi oo haatan goobta ka wada baaritaano,iyagoona xiray Aaga uu falkaas ka dhacay.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Black Sea  ayaa waxaa shalay ka dhacay qarax Khasaaro geystay,waxaana ku dhintay laba ruux oo shacab ahaa,halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.