Qarax ka dhacay Degmada Maxaas oo uu ku dhintay Guddoomiye Ku Xigeenkii Degmada

0
334


Wararka naga soo gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa  sheegayo  in qarax ka dhacay Maanta halkaasi lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasada degmadaas Cabdirashiid Cusmaan Carab.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa uu ka dhacay bartamaha Degmada.

Qaraxa ayaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Guddoomiye kuxgeenkii amniga iyo siyaasada Degmada Maxaas  ayaa ku geeriyooday qaraxaas waxaana ku dhaawacmay laba Askari ,kuwaasi oo ku sugnaa Maxaas.

Kooxda Al-shabaab ayaa  sheegtay Mas’uuliyada qaraxaas,iyagoo sheegay inay ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaas,Sarkaal Boolis iyo Ciidamo ilaala u ahaa.