Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

0
283

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxeysa Qarax khasaaro geystay oo Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya lagula eegtay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa Ciidamada waxaa lagula eegtay Deegaanka Weedoow oo ku yaalla duleedka Muqdisho,waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidanka Dowladda.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Deegaanka Garas-baaleey, ayaa xaqiijiyay in Qaraxa ay ku dhinteen 3 Askari, 5 kalana ay ku dhaawacmeen, oo uu ku jiro Taliye katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale Gadiidka Ciidanka Dowladda ay wateen ee qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inuu ka yimid Deegaanka Sabiid ee katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sikastaba ha ahaate ma ahan markii ugu horeeysay oo Deegaanka Weedoow ee ku yaalla Duleedka Muqdisho, qarax khasaaro geystay lagula eegto Ciidamo katirsan Dowladdda Soomaaliya.