Puntland: Dhaqaatiir loo diray gobolka Sool

0
207

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtey  deegaanka Saaxdheer ee Koonfurta gobolka Sool.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa deegaanka Saaxdheer ka dilaacey cudur  ay u geeriyoodeen  ilaa  Saddex ruux, dad kale ay u il daranyihiin.

Wasaarada ayaa sheegtay in Kooxo dhaqaatiir ah loo direy deegaankaas,kadib markii baaqyo kala duwan ay kasoo baxeen Odayaasha iyo waxgaradka .

Dhaqaatiirtas  ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dadka bukaanada ah ee isbitaalka Saaxdheer jiifa si loogu qabto baahiyaha Caafimaad oo ay qabaan.

Dowladda Goboleedka Puntland aya Horay u shegtay in ay Dhaqatiir ay diri donaan deganadasi si loga jawabo Cabashada ka soo yeertay Dadka Deganka.