Punland oo sheegtey in farmaajo hareer marey nidaamkii lagu heshiiyey

0
189

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay hareeraha kajoogaan intabadan xubnihiisa Golaha Wasiirada Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo hareer maray nidaamyadii lagu hashiiyey , waxaana uu tilmaamay in xukuumadiisu ay howl kadhigatay sidii ay ula dagaalami lahaayeen maamul Goboleedyada .

Madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqay in 15-3-2020 Magaalada Garoowe lagu qabanayo shirwadatashi , isagoona u yeeray dhammaan xubnaha labada aqal ee Puntland faderaalka kumatala iyo siyaasiyiinta si wadatashi looga yeesho xaaladda sii xumaanaysa ee Puntland iyo Faderaalka u dhaxeeya .

” Waxbadan ayaa madaxda Dawladda Faderaalka lahadalnay si howsha taagan loo dhammaayo balse aamuskayaga ayaa waxaa loo qaatay inaan waxa soconaya raali ka ahaano ” Ayuu yidhi Deni