Oohintu Waxay Daawo U Tahay Caafimaadka Sanka & Indhaha

0
245

Oohinta aalaaba waxaa lagu yaqaannaa carruurta oo ay ugu jirto kaalinta hadalka, kuna cabbiraan baahidooda, cabashadooda iyo haddii uu xanuun hayo. Dadka waaweyn laftigooda oohinta waa lagu arkaa, in kasta oo ay tahay xaalado gaar ah, dumarkuna u badan yihiin.

Shabakadda arrimaha caafimaadka ka warranta ee Care2 ayaa dhowaan warbixin ay baahisay ku sheegtay in oohinta oo la xejisto ama la isla ilaaliyaa ay tahay tallaabo aan sax ahayn caafimaad ahaan. Waxa kale oo jira cilmibaadhiso badan oo iyaguna marar kala duwan ku dooday in oohintu ay ku timaaddo sababta dareen caadifadeed ama xaalad nafsi ahi ay sababtay, laakiin aanay wax dhibaato ah ku keenayn caafimaadka qofka.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa noocyada ay oohintu tahay, sababaha oohinta badiya iyo sida ay ragga iyo dumarku ku kala yihiin.

Xaqiiqooyin muhiim ah

  1. Waxaa la ogaaday in dareenka murugada iyo cadhadu uu gabadha boqolkiiba 85 ka dego, marka ay oydo kaddib, halka raggana oohintu ay boqolkiiba 73 ka kaxayso dareenkaas oohinta.
  2. Celcelis ahaan gabadhu bishii 5.3 goor ayaa ay oydaa, halka ay raggu ka ooyaan 1.3 goor bishiiba.
  3. Darbadda oohinta ahi qofka qaangaadhka ah kagama badato 6 daqiiqo. Oo macnaheedu yahay in lix daqiiqo haddii uu ooyo, ay inta badan tagto shucuurta ka oohianaysay oo aanu sii wadin oohinta.
  4. Ilmada qofka ka imanaysa marka uu ooyaa, waxa ay badan tahay habeenkii inta u dhexeysa 7 illaa 10 fiidnimo, waxa kale oo ay badan tahay marka uu qofku aad u daallan yahay.

Faa’iidooyinka oohinta

‘Qofku marka uu ooyo kaddib, waxa uu dareemaa in ka soo rayn iyo nafis, sababtuna waa oohinta oo jidhkiisa ka soo saartay maaddooyinkii kiimikaad ee marka hore ku ururtay’. Sidaa waxaa lagu ogaaday cilmibaadhis uu sameeyey William Frei II oo xeeldheere ku ah cilmiga geeddisocodka samaysanka iyo isbeddelka organnada nool, madaxna ka ah cilmibaadhista shaybaadh ee xarunta Paul’s Medical Center oo Maraykanka ku taalla.

Oohintu dhiigga ayaa ay dejisaa

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfuray in qofku marka uu ooyo kaddib uu dego dhiiggiisu, isla markaana uu hoos u dhaco, haddii uu sarreeyey, ama inta dabiiciga ah ku soo noqdo garaaca wadnihiisu.

Maanganiiska: Maanganiisku (Manganese) waa maaddo kiimikaad oo saamayn taban ku yeelata xaaladda maskaxeed iyo dareen ee qofka, beddeshana dabeecadda wanaangsan iyo xasiloonida. Haddaba waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadeen in oohintu ay jidhka ka saarto maanganiiska.

Sunta ayaa uu saaraa: Oohintu waxa ay isha ka ilaalisaa ingagga, sida oo kale maadadda ku jirta ilmada ee Lysozyme waxa ay la dagaallantaa bakteeriyada, waxa aanay liddi ku tahay fayraska. Sidaa awgeed oohintu waxa ay isha gudaheeda ka soo maydhaa suntan.

Sanka: Marka uu qofku ooyo, ilmadu waxa ay soo martaa tuubmooyinka ilmada oo sida oo kale mara sanka, oo ay ku kulmaan duufka. Haddaba marka ay ilmada iyo duufku isku darsamaan  waxa ay sababtaa in duufka, gaar ahaan kiisa adagi uu furfurmo, oo ay suurtasho in qofku si fudud isaga soo duufiyo, taasina waxa ay sanka ka soo maydhaysaa bakteeriyada.