Obama ayeeyadiis oo ku geeriyootay galbeedka Kenya

0
37

Sarah Obama oo ah ayeeyada madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ku geeriyootay dalka Kenya iyadoo 99 jir ah.

Qaar ka mid ah qoyskeeda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Sarah Obama ku geeriyootay maanta oo Isniin isbitaal ku yaal galbeedka Kenya.

Marxuumadda ayaa lagu wadaa in isla maanta lagu  aaso tuulada Kogelo ee galbeedka dalkaas.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya ahna hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ka tacsiyeeyay geerida Sarah Obama isagoo ku tilmaamay inay astaan u eheed haweenka Afrikaanka ah.