Home WARARKA MAANTA Nin Gabadh kufsadey oo Dil lagu xukumey

Nin Gabadh kufsadey oo Dil lagu xukumey

0
176

Maxkamadda Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo saakay waxaa lagu soo waramayaa in xukun Dil toogasho ah ay ku fulisay Nin la sheegay in uu geystay Fal kufsi ah.

Ninkaas oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Xaamuud oo jira 32-sano ayaa Maxkamadda laba maalin kahor ku riday xukun dil toogasho ah,kadib markii uu fal kufsi ah iyo Dil u geystay gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka.

Fagaaro ku yaalla Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa saakay Ninkaasi lagu toogtay kaas oo Maxkamadu sheegtay in uu Kufsi iyo Dil geystay,waxaana Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Garbahaarey.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com