Nabaddoon xalay lagu dilay Kismaayo

0
279

Koox bistoolado ku hubaysnaa ayaa xalay fiidkii magaalada Kismaayo ee Gobbolka Jubada Hoose ku dilay Nabadoon Cabdiqaadir Ibraqhim Xassan oo loo yaqaano (Ibraahim Garreey) oo kamid ah Odayaasha dhaqanka magaaladaasi.

Kooxihii dilka gaystay ayaa la sheegay inay baxsadeen. Maamulka Jubalandayaan wali wax faah faahin ah ka bixin dilka xalay ka dhacay magaalada Kismaayo.