Muuse Biixi oo Xilka qaadis & Magacaabis sameeyay

0
265

Wareegto ka soo baxday Xaafiiska Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Xilka qaadis iyo Magacaabis lagu sameeyey xubno ka mid ah xukuumadda Soomaaliland.


Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynaha Soomaaliland Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste),
Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha

Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil,
Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka sidiisa in uu yahay meerto, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Soomaaliland.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Soomaaliland ee kor ku xusan.

Magacaabis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan
2. Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan
3. Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha.