Mileteriga Myanmar oo xayiray isticmaalka baraha bulshada

0
122

Dowlada militariga ee afgambiga ku qabsaday dalka Myanmar ayaa xayirtay isticmaalka baraha bulshada si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ee ka dhashay xarigga loo geystay hogaamiyaaha la soo doortay ee wadankaasi Aung San Suu Kyi .

Baraha bulshadaoo muhiim u ah isgaarsiinta dadka,sida Faceboogga, waaa  adeegsada kala bar tirada dadka dalkaasi oo ah 53 milyan .

Maamulka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa sheegtay in xayiraadaha lagu sameeyay baraha bulshada ay sii jiri doonaan illaa 7-da Febraayo ee bishaan.

Tallaabada lagu aamusinayo dhaqdhaqaaqa internetka ayaa yimid ka dib markii ciidamadu ay xireen,isla markaana ay dacwad ku soo oogeen hoggaamiyihii hore Aung San Suu Kyi, oo loo heysto in ay si sharci darro ah u soo dhoofiso qalabka isgaarsiinta,.