Midowga Afrika ayaa cambaareeyey muddo kordhintii ay Golaha Shacabka u sameeyeen dowladda Soomaaliya,

0
144

Midowga Afrika ayaa cambaareeyey muddo kordhintii ay Golaha Shacabka u sameeyeen dowladda Soomaaliya, waxayna ku tilmaameen mid dib u dhac u keentay doorashooyinka, midnimada iyo xasiloonida Soomaalida.

Midowga Afrika waxay ku baaqeen in wada-hadallada doorashada dib loo bilaabo laguna saleeyo heshiiskii 17 September.

Waxay kale oo Guddoomiyaha Midowga Afrkika u soo jeediyeen in uu Ergey dhexdhexaadiya u magacaabo Soomaalida.

Sidaas waxa lagu sheegey war-murtiyeed ay goordhaweyd soo saareen Golaha Siyaasadda iyo Nabadda ee Midowga Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa galabta sheegtey in ay fulinayso go’aankii Golaha Shacabka.