Micheal Rubin: oo Booqasho ku Tegay Gobolka Sool

0
124

Waxaa gobolka Sool booqasho ku tegay diblomaasi sare iyo cilmi baadhe u dhashay dalka Maraykanka kana mid ah aqoonyahanka u doodad qadiyadda jamhuuriyadda Somaliland.

Booqashadda uu gobolka Sool ku tegay Mr. Michael Rubin, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay goboladda Sool iyo Sanaag ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Somaliland.

Waxaana booqashadda Michael Rubin, ee Sool ku wehelinayay diblomaasiyiin sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, iyadoo halkaas uu hore u sii joogay wasiirka arrimaha dibadda Prof:Yaasiin Maxamuud Faratoon.

Isagoo wasiirku ka mid ah masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo Sool u jooga hawlaha wacyigelinta bulshadda iyo la socodka hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Aqoon yahankan u doodad qadiyadda Somaliland ee Maraykanka u dhashay waxaa magaaladda Laascaanood ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda, badhasaabka gobolka Sool iyo masuuliyiin kale.

Waxaanu kormeer iyo qiimayn indho-indhayn ah lagu soo mariyay diblomaasigaasi meello ka mid goobaha ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaashu ee magaaladda Laascaanood.
Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay booqashadda diblomaasigaasi uu ku yimid Laascaanood.
Waxaanu yidhi, “Waxaa maanta (shalay) xarunta gobolka Sool ee Laascaanood nagu soo booqday wefti heer sare ah oo ka kooban masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland iyo diblomaasi, aqoon yahan sare oo ka tirsan Aqoonyahanka beesha caalamka ee taageera qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xubnaha weftiga ayaa la kulmay wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon), oo ku sugan gobolka. Iyagoo sidoo kalena aanu qaabilnay gobol Sool ahaan”.

Geesta kale badhasaabka gobolka Sool waxa uu sheegay in diblomaasigan ka socday Maraykanka uu aad ula dhacay qaabka ay diiwanagelinta codbixiyeyaashu uga socoto gobolka Sool iyo xasiloonidda iyo nabadgeliyadda ka jirta gobolkaasi.

“Prof. Michael Rubin, oo ah cilmi baadhe iyo Khabiir dhinaca siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo diblomaasiyadda Maraykanka ayaa indho-indheeyay habsami-u-socodka diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Isagoo aad ula dhacay una bogaadiyay amniga, kala-dambaynta, xasiloonida iyo nidaamka dawladnimo ee gobolka ka hano qaaday” ayuu ku yidhi badhasaabka Sool qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Dhinaca kale Mr. Michael Rubin, ayaa ah aqoon yahan u dhashay dalka Maraykanka kana tirsan machadka American Enterprise Institute, ayaa tobankii sanadood ee u danbeeyay u doodayay qadiyadda aqoonsiga Somaliland.

Waxaanu fagaareyaal caalami ah ka sheegay in beesha caalamku ay hoos u eegaan qadiyadda Somaliland. Kuwaasoo ay ugu danbaysay isagoo ka qayb qaatay doodihii shirkii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee badhtamihii sanadkii 2020-kii lagu qabtay dalka Jabuuti.

Mr. Rubin, ayaa sidoo kale warbaahinta caalamiga ah ku daabaca qoraalo iyo warbixino uu kaga sheekaynayo waaqica Somaliland iyo farqiga ama kala duwanaanshiyaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu ku tilmaamo dawlad fashilantay.

Qoraaladda uu Mr. Michael Rubin, ku taageerayay qadiyadda Somaliland waxaa ka mid ahaa warbixin uu 20-kii bishii June ee sanadkii 2020-kii ku daabacay wargeyska caanka ah ee Washington Post, taasoo uu ciwaan uga dhigay ‘Dawladda Maraykanku waa in ay qunsuliyad ka furato Somaliland’.

Isagoo dawladda Maraykanka ku dhiiri geliyay in Somaliland ay tahay dal dimoqraadi ah, isla markaana muhiimad u leh Maraykanka.

Halka uu Mr. Rubin, warbixintiisa ku canbaareeyay safiirka Maraykanka u jooga Muqdisho Mr. Donald Yamamoto, kaasoo uu ku eedeeyay inuu si cad ula saftay dawladda Muqdisho, isla markaana uu marar badan isku deyay in kaalmadda beesha caalamka laga jaro Somaliland.

Sidoo kale Mr. Michael, waxa uu warbixintiisa ku sheegay in Somaliland ay muddo dheer ku naaloonaysay nabad iyo dimoqraadiyadd tan iyo markii xornimadeedda dib ugala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

Mr. Rubin, ayaa hore ahaa xubin ka tirsan waaxda difaaca ee wasaaradda gaashaandhiga dawladda Maraykanka.