Maxabiis gaadheysa 800 oo la siideynayo somaliland +Sababta

0
134

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu warqad ku saabsan cafiska 800 oo maxbuus u gudbiyey Hay’addaha Garsoorka, sida Xeer-ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta, si ay uga soo talo bixiyaan maxaabista cafiska loo fidinayo iyo maxbuus walba wuxuu ku xidhan yahay, si looga taxadiro xanuunka dunida aadka ugu faafay ee coronavirus

Dhinaca kale, waxaa la khajiiyey in Ciidanka Asluubtu uu khamiistii u gudbiyey Xeer-ilaalinta iyo Wasaaradda Cadaalada liiska Maxaabiista la filayo inuu Madaxweynuhu cafiska u fidiyo, iyo maxbuus kastaaba wuxuu u xidhan yahay, waxaana la filayaa in ilaa maanta ilaa beri uu Madaxweynuhu cafis u fidiyo 800 oo maxbuus oo ku kala xidhan jeelasha iyo xabsiyada kala duwan ee dalka.

xigasho Geeska Africa.