Maxaad ka Taqaanaa Taariikhda Madaxweynaha Cusub ee Gal-Mudug Dr Sheekh maxamed Shaakir Cali Xasan.?👇

0
510

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan waa Caalim aqoon durugsan u leh shareecada Islaamka si wayna looga yaqaano guud ahaan Soomaaliya iyo gobolka geeska africa .

Sida taariiqdu warineeyso waxa uu Dhashay Sanadkii 1973-dii waxaana uu Ku dhashay tuulada Garsaalo oo qiyaastii 20km dhinac waqooyi bari kaga beegan Magaalada Dusmareeb ee gobolka Galgaduud.

Isla tuuladaasi uu ku dhashay ayuu ka bilaabay wax barashadiisii qur ‘aanka kariimkaa Macalimkiisii qur ‘aanku waxa uu ahaa Macalim Maxamuud Axmed Caynab oo si weeyn looga yaqaano gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya .

Waxa uu usoo wareegay Magaalada Dhusmareeb oo uu ka bilaabay barashada Culuumta diiniga ah mashaa’iqda uu kaqaatay funuunta diinigaa ayaa waxaa kamid ah Sh . Maxamuud Sh. Xassan iyo Sh. Maxamed Guuleed kaarshe.

1989 ayuu u wareegay Magaalada Muqdisho halkaasi uu kasii watay Barashada diiniga ah isagoo Muqdisho kula kulmay cilmigana kaqaatay Culimo caan ah .

Muddo yar kadib waxa uu u baxay Dhanka Itoobiya oo uu iyana kasoo qaatay qaybo badan oo kamida Culuumta shareecada islaamka.

Waxaa uu kamid yahay culimada fara ku tiriska ee dusha kahaya kumanaan kamid ah Axaadiithta Nabi Muxamad Csw.

Waxa uu kabaxay Mu asasada Al ma muun kadibna waxa uu aqoonta jaamacadda u aaday dalka Yemen isaga oo ku biiray Jaamacada Axqaaf.

Waxaa uu heeystaaa: Diploma oo ka qaatay Culuumul Xadiis ee Sanca, Jaamacadda Axqaaf oo uu ka qaatay shahaadada Jaamacadda heer koowaad iyo labaad, isagoo bartay Shareecada iyo Qaanuunka iyo cilmiga Siyaasadda, waxaa uu qaab waxbarasho fog ahaan ah ku qaatay shahaadada Dektoorada isla Jaamacadda Axqaaf.

Wadamo badan oo Africa ah ayuu u tagay aqoon korarsi Sida yaman. masar. Suudaan. Itoobiya Kenya Naijeriya iyo meelo kale.

Waxa uu kutaqasusay Maamulka iyo maaraynta Waxa uuna kahaystaa shahaadada labaad.

Wadamo badan ayuu Dr Sheekh Shaakir u aaday faafinta diinta Islaamka oo ku yaala geeska Afrika.

Intaa kadib Sheekhu si aqoontiisa ugu faa iideeyo dalkiisa iyo dadkiisa ayuu dib ugu soo laabta dalkiisa hooyo ee Soomaaliya.

Waxaa loo magacaabay xilal kala duwan Waxaa uu Ahlu-sunna u ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashada, ku simaha guddoomiyaha golaha fulinta Ahlusunnah sidoo kale waxaa uu madax ka ahaa maamulka lamagac baxay gobollada dhexe sidoo kale waxaa uu soo noqday madaxa xukuumada Gal-Mudug.

Ugu dambeeyntii maanta oo Arbaco ayaa loo doortay Madaxweynaha Gal-Mudug.

Waxaa qoray: Xasan Maxamed Samatar Cowke

SHARE