Maxaa looga hadlaya Kulanka Golaha Shacabka ?

0
270

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Muqdisho ku yeelanayaan Kulankoodii caadiga ahaa.


Ajandaha kulanka maanta ayaa ah Aqrinta labaad Hindise sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka xildhibaanada,isla markaana ay soo xadiraan.

Kulanka Xildhibaanada ayaa maalmihii dambe waxa uu ahaa mid dib u dhac badan uu ku imaanayay xiliyada loogu talagalay inuu furmo kulanka.

Ammaanka Xarunta golaha shacabka ayaa waxa sugaya Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.